YEMANI DILAY XAASKIISA,WIILKIISA IYO SODOGIISA.
(SAWIRKA)-MAAJID HIJRAH.
(DAMAAR)-Wararka aan ka helayno Gudaha Gobolka Damaar ee dhaca Koonfurta caasimadda Sanca dalka Yeman ayaa sheegaayo in nin Yemani ah uu halkaasi ku dilay ka hor inta uusan isaga is dilin Xaaskiisa,Wiilkiisa iyo Sodogiisa,waxa uuna dhaawcay qaar kale. Dadka degaanka dhibku ka dhacay ayaa sheegay in qof dumar ah oo ey wehliyaan Wiilkeeda iyo Aabeheed lagu dilay Rasaas uu riday ninkeeda shalay oo Arbaca ahayd,taaso ka dhacday halka la yiraahdo”AL-MUQNAZICAH” kana tirsan degmada Cuthma ee Gobolka Damaar. Shabakadaha wararka ee Maxaliga ah ayaa sheegay in Eedeysanaha lagu magacaabo MAAJID AL-HIJRAH,iyadoo xustay in dad kale oo tirsan Qoyska dembiilaha iyo Qoyska Xaaskiisa ey ku dhaawacmeen isla dhacdadan,dhacdadan ayaa ka dhalatay Muran Qoys oo soo kala dhecgalay Aabaha Xaaska laguna magacaabi jiray Suldaan Cabdallah Axmed kaaso diiday inuu dib u soo celiyo Gabadhiisa kuna adkaystay in loo furo. Sida laga soo xigtay dadka degaanka Eedeysanaha ayaa is dilay ka dib markii ey isku gadaameen dadkii degaanka taaso argagax weyn ku abuurtay dhacdadaan. Bilihii iyo sannadihii la soo dhaafay dembiyadda rabshadaha Qoyska ayaa ku soo badanaayey Goboladda kala duwan ee dalka Yeman marka loo eego xaaladaha sii xumaanaayo ee dhaqaale iyo Nafsi ee ka dhashay dagaalka ka socdo dalka Yeman,waxaa intaas u sii dheer cadaalad la’aanta iyo sababo badan oo ka qeyb qaatay kororka dembiyadda rabshadaha Qoyska.
ISHA/YEMAN.