DALKA IRAAN OO KU DHEGAN DALKA MARAYKANKA,SABABTA?
(SAWIRKA)-CUDURKA EPIDERMOLYSIS BULLOSA.
(TEHRAN)-Maxkamad ku taalo dalka Iraan ayaa amartay Maraykanka inuu bixiyo ku dhawaad $6.8-Bilyan oo doolarka Maraykanka oo ah megdhawga saameynta ey cunaqabteynta Maraykanka ku yeelatay bukaanada qaba cuduradda maqaaarka ee dhifta ah,waxaa sidaas sheegtay Waaxda Garsoorka dalka Iraan. Madaxweynihii hore ee dalka Maraykanka Donald Trump ayaa sannadkii 2018-kii si keligiis ah Maraykanka uga saaray heshiiskii Nukliyeerka ee u dhexeeyey Iraan iyo Quwado badan oo caalami ah. Waxa uu dib u soo rogay cunaqabateyn dhaqaale oo lagu qaaday heshiiska. Talaabooyinka Maraykanka “Waxay bukaanaddan u diideen dawooyin iyo boomaato” taasi oo keentay “Dhimashada ilaa 20-qof”,ayaa lagu qoray website-ka Waaxda Garsoora Iraan ee Mizan Online. Maxkamadeynta ayaa bilaabatay Nofembar-2021-kii ka dib markii 295-dacwoodayaal oo ey ku jiraan bukaano ey 30 sarkaal oo Maraykan ah Maxkamadda ku dacweyeen iyagoo ku eedeeyey “iney qeyb ka qaateen soo rogista cunaqabateynta”ayuu yiri Mizan. Waxay gudbiyeen kiiska ka dib markii khubaro Madax banaan oo Qaramadda Midoobe ah ey bishii Oktoobar-2021-kii tusaale ugu soo qaateen saameynta talaabooyinka Maraykanka ey ku yeesheen bukaanadda qaba cudrka maqaarka ee Epidermolysis Bullosa. Maraykanka ayaa cunaqabateyntiisa ka reebay badeecooyinka bani’adanimo,gaar ahaan Daawooyinka iyo Qalabka Caafimaadka.Hase ahaatee,iibsashada caalamiga ah ee sahayda noocaan oo kale ah waxaa horistaagay Bangiyadda oo ka walaacsan iney Ganacsi la sameeyaan Iraan. Khuabaradda Qaramada Midoobe ayaa soo xigatay kiiska shirkad Iswiidhan ah oo joojisay iibinta faashadaha gaarka ah ee macaamilkeed Iraan. Faashadaha nuucaan oo kale ah waxay gargaar muhiim ah siiyaan bukaanadda qaba cudurka Bullosa Epidermolysis. Bishii Maarso Mizan ayaa soo werisay in Garsoorka dalka Iraan uu amar ku bixiyey in lala wareego saliida Maraykanka oo qiimaheedu dhan yahay $50-milyan oo doolar kaaso saarnaay Markab la qabtay sannadkii 2023-kii. Waxay sheegtay in qabshadda Markabka ey aargoosi u ahayd “Cunaqanteynta dalalka reer Galbeedka gaar ahaan Maraykanka taasi oo ka horistaagtay iibinta dawooyinka loo baahan yahay in la siiyo bukaanadda qaba xanuunka Epidermolysis Bullosa.
ISHA/VOA.