MUSLIMIINTA DALKA MARAYKANKA OO GAARAY 3.45-MILYAM.

(SAWIRKA BANAANBAXAYAAL KU SUGAN LOS ANGELS USA.

(LOS ANGELS/USA)-Dagaalka u dhexeeyo Xarakada Xamaas iyo ciidamadda difaaca Isra’iil ayaa hadda galay bishiisii seddexaad,dagaalkan ayaa soo bilawday 7/10/23-ka waxaane la sheegaa inuu yahay dagaalkii ugu xumaay abid ee ka dhaca Marinka Gaza waxaane ilaa hadda ku dhintay dad gaaraayo ilaa 16-kun qofood una badan Caruur iyo Dumar, dhaawaca ka dhashay dagaalkan ayaa kor u dhaafay 27-kun qofood,dadkaan dhintay iyo kuwaan dhaawacmay ayaa dhammaantooda ah dad shacab reer Gaza ah xabaduhuna ugu tageen guryahooda,dadka qaar ayaa lagu la’ayahay nolol iyo geeri oo waxaa ku dumay dhismayaashii ey degaaneeyn markii uu bilaabanaayey dagaalka Gaza. Hadaba,labadii bilood ee uu socday dagaalka Gaza bulshada Muslimiinta degan dalka Maraykanka sida dunida inteeda kale waxa ey daawdeen muqaalo argagax leh uu sii daayey mashinka dagaalka ee ah Isra’iil,qaar ka mid ah weeradii ugu arxan darnaay ey gaystaan ciidamadda Isra’iil ayaa hadda ka socdo Marinka Gaza waxaane ilaa hadda la sheegaya iney ku naf waayeen ilaa 16-kun oo qofood. Waa tiro aad u badan in 3.45-Milyan oo Muslimiin Maraykan ah jiraan kuwaso intooda badan u janjeera dhinaca Xisbiga talada dalka Maraykanka hadda haya ee ah Xisbiga Dimuqaraadiga ee uu hogaamiyo MW-Joe Biden,sida ey sheegtay xarunta Cilmi baarista ee PEW waxa ey Muslimiintaasi ku sugan yihiin Murugo iyo Ciil waxa eyna dareemayaan iney tahay khiyaamo taageerada joogtada ah uu MW-Biden u haayo Isra’iil iyo diidmadiisa baaqa ah in la sameeyo Xabad joojin waarta oo ka dhaqan gasha Marinka Gaza si dadka tabaaleysan loo gaarsiiyo kaalmada Bani’adanimo. Si kastaba ha ahaatee,Bulshada Muslimiinta dalka Maraykanka ayaa ka falceliyey dareenkooda Murugada ah waxa eyna abaabuleen Mudaaharaadyo sida uu sheegay Xusaam Ayluush.

ISHA/DAILY SABAH.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

MARAYKANKA OO VETO SAARAY QARAAR XABAD JOOJIN AH.

Next
Next

MARAYKANKA OO CUNAQABTEYN KU SOO ROGAY 13-QOFOOD.