MARAYKANKA OO VETO SAARAY QARAAR XABAD JOOJIN AH.

(SAWIRKA)-SAFIIRKA MARAYKANKA EE QARAMADA MIDOOBE.

(NEW YORK)-Dalka Maraykanka ayaa diidmada Qayaxan(VETO) ku diiday qaraar qabyo ah oo Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobe Jimcaha maanta ah soo saaray kaaso dalbanaayey Xabad Joojin deg deg ah si loo joojiyo dhiiga daanaayo ee ka socdo Marinka Gaza,iyadoo tirada dhimashada ey sii kordheyso. Qoraalkan oo ey iska kaashadeen ku dhawaad 100-wadan oo xubna ka ah Qaramada Midoobe ayaa taageero ka helay 13-xubnood oo Golaha Amaanka ah. Boqortooyada Ingiriiska oo ah sida dalka Maraykanka xubin joogta ahne ka ah wadamada leh awooda diidmada qeyaxan ee VETO ayaa ka aamustay. Qaraarkan qabyada ah ayaa ku baaqaayey in dhammaan dhinacyada isku haayo colaada Gaza ey u hogaansamaan shuruucda caalmiga ah,gaar ahaan ilaalinta dadka rayidka ah,qaraarka ayaa dalbanayey Xabad Joojin bani’adanimo oo deg deg ah wuxuuna ugu baaqay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobe Antonio Guterres inuu Golaha warbixin ka siiyo dhaqangelinta Xabad Joojinta. Dalka Imaaraatka Carabta oo soo bandhigay qaraarkan qabyo qoraalka ah ayaa sheegay iney ka shaqeeyeen in si deg deg ah loo soo dhammaystiro qaraarka maadaam ey sii kordhayaan tirada dadka ku dhintay dagaalka 63-maalmood socday.

ISHA/AA.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

XUUTIYIINTA OO KU HANJABAY INEY GUBI DOONAAN…

Next
Next

MUSLIMIINTA DALKA MARAYKANKA OO GAARAY 3.45-MILYAM.