XUUTIYIINTA OO KU HANJABAY INEY GUBI DOONAAN…
(SAWIRKA)-XUUTIYIINTA DALKA YEMAN.
(SANA’A-YEMAN)-Wararka ka imanaayo caasimadda dalka Yeman ee Sanca ayaa sheegaayo in kooxda Ansaarullahi(Xuutiyiinta) ey maanta oo Sabti ah ku dhawaaqeen iney ka hortegi doonaan marinka Maraakiibta ku socoto Isra’iil dhalasha kasta ha ahaadeen,haddii eysan cunto iyo daawo soo gelin Marinka Gaza,Xuutiyiinta ayaa intaasi raaciyey in Maraakiibtasi ey noqon doonaan ku batrilmaameed sharci ah ciidamadeynuna waxa ka jawaabayaan dagaalk Isr’iil ee Gaza. Arintaan ayaa waxaa ku soo beegmaysa hadal uu soo saaray afhayeenka Mileteri ee Xuutiyiinta Yaxye Saree,waxa uuna tilmaamay in ku dhawaaqidiisaan ey timid ka dib guushii xoogaga Xuutiyiinta ee fulinta go’aankooda ah iney ka hortagaan Maraakiibta Isra’iil ee maraya Badda Cas iyo badda Carbeed taasine waxaa ey ka dhalatay sida ey cadawga Sahyuuniyadda uga heelan yihiin xasuuqa foosha xun ee ka socdo Marinka Gaza,dagaalka xasuuqa ah iyo go’doominya ey ku hayaan walalahayna reer Gaza.
ISHA/ARAB.