MARAYKANKA OO CUNAQABTEYN KU SOO ROGAY 13-QOFOOD.

(SAWIRKA)-XUUTIYIINTA YEMAN OO DUL DEGAY MARKAB GANACSI.

(WASHINGTON)-Wararka laga helaayo caasimadda dalka Maraykanka ee Washington ayaa sheegaayo in dalka Maraykanka uu ku dhawaaqay Cunaqabteyn lagu beegsanaayo shabakad taageerto Iraan oo lagu edeeyey iney dhaqaale siiso kooxda Xuutiyiinta dalka Yeman iyadoo marinaayo iibinta badeecadaha dalka Iraan. Bayaan ey soo saartay maanta oo Khamiis ah Waaxda Maaliyadda Maraykanka ayey ku sheegeen in la qoondeeyey 13-qofood iyo Hayado lagu soo edeeyey iney ku lug leeyihiin dadaalo lagu doonaayo in Malaayiin doolar la gaarsiiyo gacanta Xuutiyiinta dalka Yeman. Ku Xigeenka Xogahayaha Maaliyadda ee Argagixisada iyo sirdoonka Maaliyadda Brain Nelson ayaa yiri”Xuutiyiintu waxa ey sii wadaan iney maalgelin iyo taageero ka helaan dalka Iraan,natiijadune waa mid lala yaabo oo waa weeraro aan laga fiirsan oo lagu qaado kaabayaasha Rayidka iyo Maraakiibta Ganacsi,khalkhal gelinta Amniga Badda iyo khatarta Ganacsiga Caalamiga ah”.

ISHA/ALJAZEERA.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

MUSLIMIINTA DALKA MARAYKANKA OO GAARAY 3.45-MILYAM.

Next
Next

DENMARK OO SHARCI KA SOO SAARTAY…