MASAR IYO QADAR OO WADA HESHIIS LAGU SII DEYNAYO..

(SAWIRKA)-REYSAL WASAARAHA DALKA QADAR.

(DOHA)-Reysal Wasaaraha dalka Qadar Sheekh Maxamed Bin C/raxman ALthani ayaa sheegay maanta oo Isniin ah in saraakiil Maryakan,Qadar, Masar iyo Isra’iil ah ey horumar ka sameeyeen dhammaadkii todobaadkan wada hadaladii lagu doonaayey in lagu sii daayo la haystayaasha ey Xamaas ku haysato Marinka Gaza. Dhexdhexaadiyeyaash Qadar iyo Masar ayaa qorsheynaayo iney Xamaas u soo bandhigaan qaab dhismeed todobaadkan si ey uga wada xaajoodaan heshiis seddexda weji leh. Wejiga koowaad waxaa ku jiri doono hakad lix todobaad ah oo dagaalka ah iyo sii deynta ku dhawaad afartan la hayste oo reer Isra’iil ah oo ey haystaan Xamaas si ey Isra’iil u sii deyso maxaabiis fara badan oo reer Falstiin ah,sida ey sheegeen masuuliyiin Qadar iyo Isra’iil ah. “Waxaan u gudbin doonaa soo jeedinta Xamaas,waxaane rajayneynaa iney si wanaagsan uga falcelin doonaan oo ey ku heshiiyaan wada xaajood qaab wax ku ool ah”sidaas waxaa TV-ga NBC NEWS ee dalka Maraykanka u sheegay Reysal Wasaaraha dalka Qadar Md.Maxamed Bin C/raxman AL_thani,waxaaney ahayd munaasabad ey soo qaban qaabisat Atlantic Council eyna goobjoog ka ahayeen wariyeyaal caan sida Andrea Mitchell ka tirsan NBC News iyo David Ignatius kana tirsan Wargayska Washington Post.

ISHA/AXIOS.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

SIRDOONADA MAAR IYO ISRA’IIL OO KULMAY…

Next
Next

ASKAR MARAYKAN AH OO LAGU DILAY DALKA URDUN.