ASKAR MARAYKAN AH OO LAGU DILAY DALKA URDUN.
(SAWIRKA)-XERADA CIIDAMADDA MARAYKANKA EE SURIYA.
(AMMAN)-Wararka ka imaanayo dalka Urdun ayaa sheegaay in seddex askeri oo Maraykan ah lagu dilay ugu yaraan 25-kalane lagu dhaawacay habeenkii xalay ahaay,weerar loo adeegsaday diyaarad aan duuliye lahayn oo lagu qaaday goob ey ku noolaayeen kuna taalo Waqooyi-Bari ee dalka Urdun una dhaw xuduuda xadka Suriya la leeyahay dalka Urdun,sidaas waxaa sheegay taliska dhexe ee ciidamadda Maraykanka. Waxaa la rumaysan yahay in askarta dhimatay yihiin Maraykan una dhinteen rasaas ey soo rideen cadawga Maraykanka intii uu socday dagaalka u dhexeeyo Xamaas iyo ciidamadda difaac Isra’iil,MW-Biden ayaa sheegay in weerarka ka dhacay Urdun ey ka dambeeyaan kooxaha ey taageerto Iraan kana hawlgala dalalka Suriya iyo Ciraaq.
ISHA/VOA.