SIRDOONADA MAAR IYO ISRA’IIL OO KULMAY…

(SAWIRKA)-ISGOYSKA RAFAX.

(QAHIRA)-Waxaa weli si xawli ah u socdo sidii xal loogu heli lahaay la haystayaasha reer Isra’iil ee ku jira gacanta Xamaas,waxaane caasimadaha Masar ee Qaahira iyo Faransiiska Paris ka kala dhacay shirar isdaba joog ah kuna saabsan arrinta la haystayaasha reer Isra’iil. Dhammaadkii todabaadkii tegay waxaa caasimadda Faransiiska ee Paris ku kulmay madaxda Sirdoonada Masar,Urdun,Sacuudiga,Maraykanka iyo Isra’iil,ujeedka kulankooda ayaa ahaay sidii xal loogu heli lahaay la haystayaash reer Isra’iil. Maanta oo Isniin ah kuna beegan 29/1/24-ka ayaa Madax Hayada Amniga Isra’iil ee Shin Bet Ronen Bar ayaa waxa uu booqasho ku tegay caasimadda dalka Masar ee Qaahira waxa uuna halkaas kula kulmay dhigiisa reer Masar Cabaas Kamil. Iyadoo ey jirto xiisad u dhexeeyso dalalka Isra’iil iyo Masar oo ku aadan dagaalka Marinka Gaza iyo suurtagalnimada in ciidamada Isra’iil ey hawlgalkooda ku balaariyaan magaaladda Rafax ee reer Falastiin kuna taalo xadka Masar ey la wadaagto Falastiin,sidaas waxaa laga soo xigtay laba masuul oo reer Isra’iil ah. Dalka Masar ayaa aad uga walaacsan dhibaatada bani’adnimo ee sii kordheyso kana jirto xadka ey la wadaagto Marinka Gaza. In ka badan hal milyan oo Falastiiniyiin ah oo intooda badan ku soo barakacay dagaalka ka socdo Marinka Gaza ayaa ku urursan Rafax.

ISHA/AXIOS.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

QODOBO KA SOO BAXAY SHIRKII BAARIIS.

Next
Next

MASAR IYO QADAR OO WADA HESHIIS LAGU SII DEYNAYO..