MARKABKA DAGAALKA EE USS CARL VINSON OO GAARAY YEMAN.
(SAWIRKA)-MARKAB DAGAAL.
(DUBAI)-Markankii labaad ee xambaara diyaaradaha dagaalka ee dalka Maraykanka ayaa soo gaaray Xeebaha dalka Yemen iyada oo Washington ey kor u qaadayso weerarada ey ku bartilmaameedsanayso Maleeshiyada Xuutiyiinta, sida laga soo xigtay sawirro cusub oo Dayax-Gacmeedka. Markabka dagaalka ee USS Carl Vinson ayaa ka howlgala waddooyinka muhiimka ah ee Maraakiibta ee Waqooyi Bari ee Jasiiradda Soqatra ee ku taal Badweynta Hindiya una dhow afka Gacanka Cadmeed. Sidaha waxa la socda markabka Ticonderoga-class haga gantaalaha USS Princeton iyo laba gantaalaha haga ee Arleigh Burke, USS Sterett iyo USS William P. Lawrence. Mareykanka ayaa u diray Vinson si uu u taageero Markabka USS Harry S. Muuqaal fiidiyow ah oo ey sii daayeen Ciidamada Badda ee Mareykanka ayaa muujinayay Vinson oo diyaarineysa amar iyo duullimaadyo diyaaradaha F-35 iyo F/A-18 oo ka soo baxayay sagkeeda. Taliska dhexe ee Mareykanka CENTCOM ayaa sidoo kale soo bandhigay muuqaalo sheegaya iney jireen "24/7 Weerar" Xuutiyiinta oo ey fuliyeen labada Markab ee dagaalka.
ISHA-ARAB NEWS.