DUQEYN AAD CULUS OO KU SOCOTA XUUTIYIINTA.

(SAWIRKA)-BURBUR SOO GAARAY GOOBHII LA DUQEEYEY.

(SANA’A)-Warbaahinta Xuutiyiinta ayaa sheegtay in, in ka badan 12 weerar oo xagga cirka ah lagu garaacay magaalada caasimadda ah ee Sanca oo ey gacanta ku hayaan malleeshiyaadka maanta oo Arbaca ah, iyagoo ku eedeeyay Mareykanka. Goobaha ey Xuuthiyiinta gacanta ku hayaan ee Yemen ayaa waxa ey u adkeysanayeen duqeymaha maalinla ah ee soo socda, kuwaas oo lagu eedeeyo Mareykanka, tan iyo markii Washington ey billowday olole dhanka cirka ah oo ka dhan ah malleeshiyaadka 15-kii March isku day ey ku doonayeen iney ku soo afjaraan hanjabaadooda ku wajahan Maraakiibta mareysa Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.
TV-ga AL-Masirah ee Xuutiyiinta ayaa sheegay in afar iyo toban duqaymo oo ey fuliyeen duullaanka Maraykanku ey ku garaaceen deegaanka AL-Xaafa ee degmada AL-Sabeen ee caasimadda.
Sidoo kale waxaa la sheegay in duqeymo lagu eedeeyay Mareykanka uu ka dhacay deegaanka Hazm ee gobolka Jawf.
Ololaha Mareykanka ayaa daba socday hanjabaadii Xuuthiyiinta ee ahaa iney dib u bilaabayaan weeraradooda Maraakiibta Caalamiga ah ee go'doominta gargaarka Isra’iil ee Marinka Gaza.
Tan iyo 15-kii bishii Maarso, Xuuthiyiinta ayaa sidoo kale dib u bilaabay weerarada ey ku beegsanayaan Maraakiibta militariga Mareykanka iyo Isra’iil, iyagoo sheegay iney si wadajir ah ula dhaqmaan Falastiiniyiinta Marinka Gaza. Xuuthiyiinta ayaa bilaabay iney beegsadaan Maraakiibta isaga kala goosha Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed iyo sidoo kale dhulka Isra’iil,ka dib markii uu dagaalka Qaza bilowday October 2023,ka dibna ey hakiyeen weeraradooda intii lagu jiray xabad joojin labadii bilood ee ugu dambeysay. Israa’iil waxay jartay dhammaan sahaydii ey siin jirtay Gaza bilowgii bishii Maarso, waxayna dib u billowday duullaanka ey ku heyso dhulka Falastiin 18-kii Maarso, taasoo soo afjartay xabbad joojintii. Waddada muhiimka ah ee badda cas, ee isku xirta kanaalka Suweys, ayaa sida caadiga ah qaada qiyaastii 12 boqolkiiba taraafikada maraakiibta adduunka, laakiin weerarrada Xuuthiyiinta ayaa ku qasbay shirkado badan inay ku wareegaan cirifka koonfurta Afrika.

ISHA ARAB NEWS.

Previous
Previous

ISRA’IIL OO WEERARTAY K/LUBNAAN MAR KALE.

Next
Next

MARKABKA DAGAALKA EE USS CARL VINSON OO GAARAY YEMAN.