MARKAB UU ISKA LEEYAHAY MAAL QABEEN ISRA’IIL AH OO LAGU…
(SAWIRKA)-MARAAKIBTA MARTA BAD WEYNTA HINIYA.
(DUBAI)-Wararka ka imaanayo caasimadda dalka Imaaraatka Carabta Midoobe ee Dubai ayaa sheegaayo in Markab qaada Xamuulka uuna iska leeyahay maal qabeen reer Isra’iil ah ayaa lagu qaaday weerar loo adeegaday Drones kaaso looga shakisan yahay iney ka dambayso dawladda Iraan gudaha Bad weynta Hindiya xilli Isra’iil ey dagaal adag ku qaadeyso Xarakada Xamaas ee Marinka Gaza,sidaas waxaa sheegay sarkaal ka tirsan Wasaaradda Difaac Maraykanka ee Pentagon. Weerarkii shalay oo Jimca ahayd lagu qaaday Markabka CMA CGM Symi ayaa ku soo beegmayo ayadoo Maraakiibta Caalamiga ah ee maraya Biyaha Bad Weynta Hindiya ey wajahayaan weeraro is xig xiga waxa eyna isu arkaan iney yihiin Bartilmaameed waayo waxaa sameeyey dagaalka ka socdo Marinka Gaza ee dhulka reer Falastiin,waxaane maalinkii labaad galay xabad joojin aan caga badnayn oo ka jirta Marinka Gaza. Sarkaal ka tirsan Wasaaradda Difaac dalka Maraykanka ee Pentagon oo la hadlay Wakaaladda Wararka ee Assiciated Press(AP) ayaa sheegay in Markabkan oo sitay Calanka Malta looga shakisan yahay in lagu bartilmaameedsaday diyaarad nuuceedu yahay seddex xagal waxa eyna siday bamka loo yaqaano Shaheed-136 xilli uu ku sugnaay biyaha caalamiga ah.
ISHA/ARAB NEWS.