WASIIRKA ARRIMAHA DIBADDA INGIRIISKA OO KA HADLAY…

(SAWIRKA)-DAVID CAMERON.

(TEL AVIV)-Wararka laga helaayo caasimadda Isra’iil ee Tel Aviv ayaa sheegaayo in Xoghayaha Arrimaha Dibadda Ingiriiska David Cameron uu shalay oo Sabti ahayd sheegay in Isra’iil waajib ku tahay iney u hogaansanto sharciga caalamiga ah iyo in dhibaatada dadka shacabka ah ka soo gaartay dagaalka ka socdo Marinka Gaza tahay mid aad u sareeyo. Wasiirka Arrimaha Dibadda Ingiriiska David Cameron oo u waramaayey Idaacadda BBC-da markii uu booqanaayey Isra’iil iyo Daanta Galbeed ee la haysto ayaa ku celceliyey in dawladda Ingiriiska ey xaq u leedahay iney is difaacdo. Boqortooyada Ingiriiska ayaa u muuqata iney waxyar isbedel ah uu ku yimid mawqifkeedii ku aadanaay arrimaha Falastiin iyo Isra’iil,Cameron ayaa yiri”Markii aan la kulmay Madaxweynaha Isra’iil,Reysal Wasaaraha iyo kuwa kale waxaan kumnuuxnuuxsaday marar badan iney waajib tahay in Isra’iil u hogaansanto beesha caalamka. Sharciga Bani’adanimada marka loo fiiriyo waxa ka dhacaayo Marinka Gaza waxaa aad u badan tirada dadka dhawaca ah waane in Isra’iil Maskaxdeeda ku haysaa taas.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

ISRA’IIL OO BAADI GOOB UGU JIRTA YAXYE SANWAAR.

Next
Next

MARKAB UU ISKA LEEYAHAY MAAL QABEEN ISRA’IIL AH OO LAGU…