BANAANBAX XOOGAN OO KA DHACAY LONDON.

(SAWIRKA)-BANAANBAXYO KA DHACAY LONDON.

(LONDON)-Maanta oo Sabti ah, tobonaan kun oo qofood ayaa isugu soo baxay caasimadda dalka Boqortooyada Ingiriiska ee London,dadkaan isu soo baxay ayaa socodkooda ku taageeraayey dadka reer Falastiin waxa eyna dalbanaayeen Xabad Joojin Joogta ah in laga sameeyo Marinka Gaza,inta uu socday isu soo baxaan maanta ka dhacay London ayaa waxaa xabsiga loo taxaabay dad gaaraayo ilaa shan qofood kuwaaso looga shakiyey iney hurinayaan Isir Neceybka, sidaas waxaa sheegay Booliska dalka Ingiriiska. Socodkaan Qaranka ee reer Falastiin ayaa ah kii ugu dambeeyey e dhawr mudaaharaad oo waa weyn oo ka dhacay caasimadda dalka Ingiriiska iyo magaalooyin badan oo ku yaalo Qaaradda Yurub todobaad kasta tan iyo markii uu soo bilawday dagaalka u dhexeeyo Xarakada Xamaas iyo ciidamadda difaac Isra’iil bil ka hor.Mudaaharaadyada dhacay maanta oo Sabti ah ayaa yimid ayadoo uu maraayo maalintii labaad afartii maalin ee loogu talagalay in la sameeyo Xabad Joojin taaso ogolaanaysa in gargaar bani’adanimo la gaarsiyo Marinka Gaza,dadkuna helaan nashadoodii ugu horeysay ka dib markii ey soo mareen todobo todobaad oo dagaal ah.

ISHA/VOA.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

MARKAB UU ISKA LEEYAHAY MAAL QABEEN ISRA’IIL AH OO LAGU…

Next
Next

ISRA’IIL OO JOOJINAYSO WARGAYS KA SOO BAXA…