MARAYKANKA OO CUNAQABATEYN CUSUB SAARAY…

(SAWIRKA)-WAAXDA MAALIYADDA MARAYKANKA.

(WASHINGTON)-Wararka laga helaayo caasimadda dalka Maraykanka ee Washington ayaa sheegaayo in Waaxda Maaliyadda ee Maraykanka ey ku dhawaaqday Cunaqabateyn Cusub ey ku soo rogtay Wareegii seddexaad gudahooda shaqsiyaad iyo Hayadaha Xiriirka la leh Xarakada Xamaas iyo Dhaqdhaqaaqa Jihaad AL-Islaami ayadoo la kaashanaayo dalka Boqortooyadda Ingiriiska. War qoraal ah oo lagu daabacay Websitt-keeda maanta oo Talaada ah,Wasaaradda Maaliyadda Maraykanka ayaa ku dhawaaqday in Cunaqabateynta lagu soo rogayo Saraakiisha Muhiimka ah ee Xarakada Xamaas iyo Hababka ey Iraan u taageerto iyaga iyo Jihaadka Falastiin,sidoo kale,talaabooyinkeeda waxaa ka mid ah Shirkada Sarifka Nabil Shuuman, kuwa la shirkada ah iyo la hawlgalayaasha fadhigoodu yahay dalka Lubnaan si ey lacagta uu bixiyo dalka Iraan ugu Xawilaan Marinka Gaza muddo sannada badan waxaane loo tixgeliyey iney shirkadahaani yihiin Kanaalo Xarkada Xamaas gaarsiiyey tobnaan Milyan oo doolarka Maraykanka ah. Milkiilaha iska leh Shirkadda Sarifta lacagaha Nabiil Shuuman iyo kuwa la shirkada ah ayaa Xarakada Xamaas waxa ey siiyaan kaalmooyin kala gedisan sida”Lacagta,Samafalka Bani’adanimo,Qalabka dhismaha,Teknoolojiyada iyo Cuntada” si dhammaystiran.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

XUUTIYIINTA YEMAN OO HANDADAAD U DIRAY ISRA’IIL.

Next
Next

DAGAALKA GAZA OO EY KU DHINTEEN DAD DHAN 11,240-QOF.