XUUTIYIINTA YEMAN OO HANDADAAD U DIRAY ISRA’IIL.

(SAWIRKA)-HOGAAMIYAHA XUUTIYIINTA YEMAN.

(SANA’A-YEMAN)-Wararka laga helaayo kooxda Xuutiyiinta dalka Yeman ayaa sheegaayo in Hogaamiyaha Xuutiyiinta Yeman C/malik AL-Xuuti uu maanta oo Talaada ah(14/11/23)-ka sheegay inuu halkiisa uu ka sii wedi doono weerarada uu ku haayo Isra’iil waxaa kalo uu sheegay in ciidamadiisa ey ka hawlgeli doonaan raadinta Maraakiibta ey iska leedahay Isra’iil kuna sugan Badda Cas iyo Marinka Baab AL-Mandab. Hadalka hogaamiyaha Xuutiyiinta Yeman C/malik AL-Xuuti ayaa waxaa laga sii daayey Telefishanka AL-Masiirah ey maamulaan Kooxda Xuutiyiinta. “Indhehaynu waa ey furan yihiin,waxa aan sameyn doonaa inaan si joogta ah u diiwaan gelino wixii dhacay iyo inaan baadi goobno Maraakiibta Isra’iil ee ku sugan Badda Cas iyo Marinka Baab AL_Mandab iyo biyaha caalamiga ah ee Yeman” sidaas waxa yiri Hogaamiyaha Xuutiyiinta dalka Yeman C/malik AL-Xuuti.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

MADAXDA SIRDOONADA MASAR IYO ISRA’IIL OO QAHIRA…

Next
Next

MARAYKANKA OO CUNAQABATEYN CUSUB SAARAY…