DAGAALKA GAZA OO EY KU DHINTEEN DAD DHAN 11,240-QOF.

(SAWIRKA)-BURBURKA SOO GAARAY MARINKA GAZA.

(GAZA)-Xafiiska Warfaafinta dawladda Gaza ayaa ku dhawaaqay maanta oo Isniin ah(13/11/23)-ka in tirada dhimashada ee Marinka Gaza tan iyo markii uu bilawday dagaalka gardarada ah ee Isra’iil muddo bil ka hor ah ey ku dhinteen dad gaarayo 11,240-qofood oo ey ku jiraan 4,630-Caruur ah iyo 3,130-dumar ah,halka tirada dadka dhaawaca ah ey gaartay ilaa 29-kun qofood in ka badan 70% ey ku jiraan Caruur. Sidoo kale,Xafiiska Warbaahinta dawladda Gaza afhayeenkeeda oo qabtay shir jaraa’id ayaa sheegay iney shahiideen 21-askeri oo ka tirsanaay ciidamadda difaac Madaniga marka lagu darro 189-qofood oo ka shahiiday shaqaalaha Caafimaadka eyna ku jiraan Takhaatiir iyo Kalkaaliyeyaal Caafimaad,waxaa ayagana Marinka Gaza ku shahiiday tan iyo markii uu bilawday dagaalka Gaza 51-Saxafi oo ka hawlgeleysay dhulka reer Falastiin.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

MARAYKANKA OO CUNAQABATEYN CUSUB SAARAY…

Next
Next

WADAMO CARBEED OO CAMBAAREYEY WEERARKA ISR’IIL KU QAADAY…