MARAYKANKA IYO IRAAN OO KU DHAW INEY IS FARA SAARAAN,SABABTA?

(SAWIRKA)-MARKABKA MARAYKAN LEEYAHAY OO SIDAY SALIIDA CEYRIIN OO IRAAN QABSATAY MAANTA.

(WASHINGTON)-Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Maraykanka ayaa maanta oo Khamiis ah waxa ey cambaareysay talaabadda uu dalka Iraan kula wareegay Markab Shidaal uu iska leeyahya dalka Maraykanka,waxayna ku baaqday dawladda Maraykanka in Markabka si deg deg ah loo sii daayo isaga iyo shaqaalihiisaba.”Qabashada sharci darrada ah ee Markabka Ganacsi waa dhaqankii ugu dambeeyey ee Iraan ama ey Iraan awood u yeelato taaso looga dan leeyahay in lagu carqaladeeyo Ganacsiga Caalamiga ah” sidaas waxaa warbaahinta u sheegay afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Maraykanka Vedant Patel. Afhayeenka ayaa sheegay in Markabka Iraan qabsatay uu sitay calanka dalka Giriiga isla markaasne uu weday Saliida Ceyriin oo la doonaayo in lagu sifeeyo dalka Turkiga,afhayeenka ayaa yiri ”waxaan rumeysanahay in ficilka noocaan ah uu si fudud u soo kordhin doono hubanti la’aanta Amni ee soo wajahday Maraakiibta Ganacsiga,falalka nuucaan oo kale ahne waxa ey khatar ku yihiin dhaqdhaqaaqa caalamka waane in la joojiyaa”

ISHA/AA.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

MARAYKANKA IYO UK OO WEERARAY XUUTIYIINTA YEMAN.

Next
Next

XUUTIYIINTA YEMAN OO QAADAY WEERARKOODII 27-AAD.