MARAYKANKA IYO UK OO WEERARAY XUUTIYIINTA YEMAN.
(SAWIRKA)-MARKAB DAGAAL OO MARAYKAN LEEYAHAY.
(SANA’A-YEMAN)-Taliyaha Guud ee Ciidamadda dalka Maraykanka Gen.Douglas Sims iyo Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga dalka Maraykanka(Pentagon) Gen.Pat Ryder ayaa shaaca ka qaaday xogta iyo natiijada ka dhalatay duqeymihii ey fuliyeen Maraykanka iyo Boqortooyada Ingiriiska,duqeymaha ayaa lala beegsaday goobo ey ku sugan yihiin Xuutiyiinta dalka Yeman,weerarka ayaa dhacay waaberigii maanta oo Jimca ah. Sida laga soo xigtay Douglas iyo Ryder,weerarada ayaa lagu jiheeyey 28-goobood oo kala duwan oo laba weji ah: Wijiga koobaad waxaa lagu bartilmaameedsaday 16-goobood oo kala duwan kuwaaso mid kasta uu ka kooban yahay bartilmaameedyo badan,Wijiga labaad waxaa lagu bilaabay laba iyo toban goobood oo kale kuwaaso loo aqoonsaday iney ka kooban yihiin awoodo laga yaabo iney ku jiraan. Weerada dhacay ayaa loo adeegsaday ciidamadda Badda iyo Cirka kuna sugan Gobolka. Gen.Douglas iyo Payette ayaa xaqiijiyey in duqeynta lala haleelay in ka badan lixdan bartilmaameed eyna adeegsadeen in ka badan ilaa 150-gantaal oo laga soo riday diyaaradaha iyo gantaalo laga soo riday Maraakiibta nuuca loo yaqaan Tomahawk. Bayaan ey soo saareen labada General ayaa tilmaamay in “Maraykanka uu adeegsaday diyaarado ka soo duulay Markabka dagaalka ee EISENHOWER,marka laga soo tago gantaada ey rideen seddex Markab oo ah kuwa dagaalka kalana ah(MASON,GREIFLY iyo PHILLIPPINE SEA) iyo Marakab kuwa Quusa biyaha ah sidana Gantaaladda loo yaqaano OHIO-CLASS BALLISTIC MISSILE,USS FLORIDA(SSGN728). Bayaan Maraykanka ayaa carabka ku adkeeyey in Wasaaradda Gaashaandhiga(Pentagon) ey kalsooni ku qabaan in weeraradu ku dheceen bartilmaameedyadoodii in kastoo aan weli la dhammaystirin habka qiimeynta khasaaraha sida lagu sheegay bayaanka. War saxaafadeedka ayaa lagu xusay in “Weerarad aan loo baahnayn in khasaaro ka soo gaarto Xuutiyiinta balse ey tahay in la wiiqo awoodaha ey u adeegsadaan iney ku hor istaagaan socodka Badda Cas iyo Baab AL-MandaB”. Marka laga hadlaayo jawaabta Xuutiyiinta ee duqeynta ayaa lagu yiri bayaanka “Ilaa hadda Xuutiyiintu waxa ey soo rideen hal gantaal oo balastik ah looguna talagalay Maraakiibta kaaso aan ku dhicin bartilmaameedkiisi taas ayaa jawaab u ahayd weeraradi duqeynta ahaay ee loo gaystay Xuutiyiinta”.Warku waxa uu intaas ku darayaa in pentagon ey aaminsan tahay in Xuutiyiintu ey weli isku dayayaan iney qiimeyaan waxyeeladda soo gaartay awoodooda ciidan,waxaane la filaa iney ka bixiyaan jawaab celin balse haddii ey sidaas sameeyaan ciidamadda Maraykanka diyaar ayey u noqon doonaan. Bayaanka ayaa lagu eedeeyey Iraan iney ku lug leedahay weerarada Xuutiyiinta ee Biyaha Badda Cas,iyadoo lagu nuux-nuuxsaday in “Iraan ey xiriir toos ah la leedahay Xuutiyiinta eyna saameyn ku leedahay,eyna garwaaqsato in sii socoshada colaadeysan ineysan Iraan waxba u tari doonin”. Madaxa hawlgaladda Maraykanka ma uusan cadeeyn in “Weerarada ey saameyn togan ku yeelan doonaan amaanka Marinka Badda Cas”. “Dhanka kale,wuxuu tilmaamay in ilaa 12-shirkadood oo Maraakiib Caalami ah ey bedeleen habka Maraakiibtooda ka fogaanshaha Badda Cas ama ey ku xadidaan dhaqdhaqaaqooda iyada oo ey sabab u tahay weerarada Xuutiyiinta”
ISHA/SUUQBACAAD MEDIA.
MUQDISHO-SOMALIA.