XUUTIYIINTA YEMAN OO QAADAY WEERARKOODII 27-AAD.
(SAWIRKA)-DIYAARADAHA XUUTIYIINTA YEMAN.
(SANA’A-YEMAN)-Marka laga soo bilaabo bishii Noofembar ee sannadkii tegay 2023-kii kooxda Xuutiyiinta dalka Yeman waxa ey weeraro dhinac cirka ah ku qaadayeen Maraakiibta marta biyaha Badda Cas ee Marinka Baab AL-Mandab iyagoo taageero u muujinayo Xarakada Xamaas ee dagaalka adag kula jirto ciidamadda difaac Isra’iil marka laga soo bilaabo taariikhdu markey ahayd 7/10/23-kii. Shalay ayey ahayd markii dalka Maraykanka uu Golaha Amaanka ee qaramada Midoobe u soo jeediyey Qaraar Xuutiyiinta Yeman lagu Cambaareynaayo loogana digaayo ineysan sii wedin weerarada ey ku hayaan Maraakiibta marta Biyaha Badda Cas. Maanta oo Khamiis ah kuna beegan 11/1/2024-ka ayey Xuutiyiintu qaadeen weerarkoodii 27-aad waxa eyna Gantaalada Balaastikada ah ku weerareen Markab maraayey Badda Cas mana la soo sheegin wax dhaawac,dhimasho iyo burbur ah uu gaystay Gantaalka Xuutiyiinta dalka Yeman. “Janaayo 11-keeda oo maanta ah saacadu markeey ahayd labadii subaxnimo waqtiga caasimadda Sanca ee dalka Yeman ayey kooxda Xuutiyiinta ey taageerto Iraan waxa ey gantaal Balastiik ah ka soo rideen dhulka ey maamulaan waxa ey ku soo rideen halka ey maraan Maraakiibta caalamiga ah ee biyaha badda Cas” sidaas waxaa laga soo xigtay Taliska Dhexe ee ciidamadda Maraykanka.
ISHA/AA.