MARAYKANKA IYO IRAAN OO KU DAGALAMAYO ….
(SAWIRKA)-SULEYMAANI HOGAAMIYIHII ILAALADA KACAANKA IRAAN.
(BAQDAD)-Tan iyo markii ey Xarakada Xamaas ey qaaday weerarka la magac baxay Duufaantii AL-Aqsa’a 7/10/23-ka ayaa waxaa soo ifbaxay xoogag kale oo ayagana weerar ku ah danaha Maraykanka ku leeyahay Bariga dhexe. Dalka Maraykanka iyo xulafadiisa reer Galbeedka ayaa qeyb ka ahaay dagaalo ka kala dhacay dalalka deriska ah ee Ciraaq iyo Suuriya,dagaalka koobaad ayaa ah midkii lagu qaaday dawladdii uu hogaaminaayey Sadaam Xuseen sannadkii-2003-dii,dagaalkaas ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac fara badan oo soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay,halka uu isla mandiqadaasi uu ka dhacay dagaal kale uu hogaamiaayey Maraykanka laguna qaaday koox la magac baxday Daacis/ISIS sannadkii 2014-kii,dagaalkan ayaa lagu ciribtiray kooxda Daacish inteeda badan waxaane hadda ka soo haray tiro yar oo dhbaato ku hayso ciidamadda isbahaysiga reer Galbeedka kuna sugan Suriya. Jimcihii la soo dhaafay ayuu Maraykanku duqeeyey maqasiin keyd u ahaay ilaaladda Kacaan dalka Iraan oo ku yiilay gudaha dalka Suuriya,waxayna ciidamadda xulafadda uu hogaamiyo Maraykanka weeraro ka kala fuliyeen dalalka Suriya iyo Ciraaq,gudaha Ciraaq waxa ey ka fuliyeen 12-weerar halka 4-weerar ey ka fuliyeen gudaha dalka Suriya.
ISHA/BBC-SOMALIA.