WELIGIIN MA ARAGTEEN WIILKAN OO KALE?
(SAWIRKA)-MUSCAB SHEEKH XASAN YUSUF.
(USA)-Marka laga hadlaayo arrimaha dhulka reer Falastiin ey Isra’iil haysato waa inaan is xusuusinaa iney ka jiraan waxyaabo badan oo aan horay u maqal amaba aan u arag,Sheekh Xasan Yuusuf waxa uu ka mid ahaay aas aasayaashii Xarakada Xamaas ee la dagaalanta Isra’iil,Sheekh Xasan waxa uu dhalay wiil la yraahdo Musacb Sh.Xasan,wiilkan ayaa ku dhashay Raamalah sannadkii 1978-dii maanta waa 45-jir,wiilkan uu dhalay aasaase ka tirsan Xamaas ayaa waxaa si hoos ahaan u qortay Sirdoonka Guf=daha Isra’iil ee loo yaqaano Shin Bent waxa uuna la shaqeynaayey inta u dhexeyso sannadadii 1997-dii ilaa sannadkii-2000. Muscab Sheekh Xasan Yusuf ayaa isaga baxay Diinta Macaan ee Islaamka waxa uuna galay diinta Masiixiga(Christian) sannadkii 1999-kii,waxa uuna Muscab isaga soo tegay Daanta Galbeed ee Jordan ee dhulka reer Falastiin sannadkii-2007-dii waxa uuna hadda degan yahay dalka Maraykanka. Hadaba Muscab kumuu ahaay?
ISHA/BBC-SOMALI.