DHIMASHADA GAZA OO KOR U KACDAY KA DIB…
(SAWIRKA)-CARUURTII XALAY KU DHAAWACANTAY WEERARDII DIYAARADAHA ISRA’IIL EE GAZA.
(GAZA)-Dagaalka u dhexeeyo Xarakada Xamaas iyo ciidamadda difaaca Isra’iil(IDF) ayaa maanta waxa uu galay maalintiisii 22-aad,dagaalkan ayaa soo bilawday 7/10/23-ka oo sabti ahayd waxaane weerar loogu magac daray”Duufaantii AL-Aqsa”qaaday Xarakada Xamaas taaso cagtamarisay goobo ey leeyihiin ciidamadda Isra’iil soona afduubtay dad badan oo reer Isra’iil ah. Habeenkii xalay Gaza waxa ey u ahayd habeen laga duqeeyey cirka,dhulka iyo badda mana loola harin wax hub ah oo wax lagu dili karo,afhayeenka Wasaaradda Caafimaadka Falastiin Asharaf ayaa sheegay in diyaadaha Isra’iil weerareen Gaza 53-jeer tirada dhimashadane ey gaartay ilaa 7703-qofood,tirada dhimashada caruurta Gaza ayaa gaartay ilaa 3195-canug,waxaane ku dhaawacmay dagaalka Gaza ilaa hadda 19,734-qofood. Weerarkii xalay oo cuslaay dartiis ayaa waxaa burbur soo gaaray 825-qoys halkii ey ku noolaayeen waxaane la jaray khadka Internet-ka iyo telefoonada Gaza,waxa uuna Afhayeen Ashraf caalamka ugu baaqay in arrinkaan la soo farageliyo.
ISHA/ARABIC.