MADAXWEYNAHA FARANSIISKA OO KA HADLAY…

(SAWIRKA)-MADAXWEYNE MACRON.

(DUBAI)-Madaxweynaha dalka Faransiiska Emmanuel Macron ayaa ku dhawaaqay maanta oo Sabti ah(2/12/23)-ka inuu ku sii jeedo dalka Qadar si uu isugu dayo inuu dib u bilaabo xabad joojin soo socotay muddo dhan todobo maalmood ah taaso soo afjarantay subaxnimadii Jimcada. MW-Macron ayaa shir jaraa’id uu ku qabtay magaaladda Dubai ee dalka Imaaraatka Carabta ku yiri”Maxay ka dhigan tahay in gebi ahaanba la baabi’iyo Xamaas,ma jiraa qof aaminsan in tani ay suuraggal tahay haddii ey sidaas tahay,dagaalku wuxuu socon doonaa 10-sano”. Madaxweyne Macron ayaa dawladda Isra’iil ku booriyey iney cadeyso hadafkeeda ah ciribtirka Xamaas,isaga oo ka digay dagaal aan dhammaad lahayn. Madaxweynaha Faransiiska Macron waxaa kaloo uu sheegay in ka hortaga waxa uu ugu yeeray Argagixisada aanay ahayn duqeymo joogta ah,isla markaane jawaabta weerarada Xamaas aanay ahayn in gobol dhan laga ciribtiro ama la duqeeyo dhammaan kaabayaasha dhaqaalaha ee rayidka ah.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

YEMAN: XUUTIYIINTA OO SOO SAARAY DIGNIIN ADAG.

Next
Next

ISRA’IIL OO WEERAR XOOGAN KU HAYSA MARINKA GAZA.