ISRA’IIL OO WEERAR XOOGAN KU HAYSA MARINKA GAZA.

(SAWIRKA)-BURBURKA DHISMAHA GAZA.

(QAHIRA)-Wararka laga helaayo caasimadda dalka Masar ee Qaahira ayaa sheegaayo in xukuumadda Isra’iil ey ku wargelisay dhawr wadan oo Carbeed iney dooneyso iney abuurto Aag difaac oo dhinaca Falastiiniyiinta ah oo xiga soohdinta Marinka Gaza si looga hortago weerarada mustaqbalka taaso qeyb ka ah soo jeedinta go’doominta ka dib markii uu dhammaado dagaalka hadda ka socdo Marinka Gaza. Dhinaca kale,wararka laga helaayo hayadaha caafimaadka ee ku sugan Marinka Gaza ayaa sheegaayo in dhimashada ey marayso ilaa 15,207-qofood,kuwaaso 6150-qofood oo ka mid ah ey yihiin Caruur,4000-qofoodne ey yihiin Dumar iyo dhaawaca oo dhan 40,652-qofood waxaane la la’yahay dad gaaraayo ilaa 7-kun qofood.

ISHA/VOA-SOMALIA.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

MADAXWEYNAHA FARANSIISKA OO KA HADLAY…

Next
Next

GAZA: 100-QOFOOD OO DHIMASHA AH MAANTA KALIYA.