YEMAN: XUUTIYIINTA OO SOO SAARAY DIGNIIN ADAG.
(SAWIRKA)-XUUTIYIINTA YEMAN OO WEERARAY MARKIIB MARAYKAN LEEYAHAY.
(DUBAI)-Wararka laga helaayo dalka Yeman ayaa sheegaayo in kooxda Xuutiyiinta ey dhawaaqeen iney beegsadeen maanta oo Axad ah laba Markab oo Isra’iil laga leeyahay kuwaaso ku sugnaay Badda Cas. Afhayeen kooxda Xuutiyiinta Yaxye AL-Sariixi ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in labada Markab ee la beegsaday ey kala ahaayeen “Unity Explorer iyo Nyumber-9”. Yaxye AL-Sariixi ayaa sharaxay in mid ka mida labada Markab lal bartilmaameedsaday diyaaradaha aan duuliyaha wedin ee Drones-ka isagoo xusay in labada Markab ey diideen “Fariimaha Digniinta ah ee ka imaanayey ciidamadda Badda dalka Yeman”. Afhayeenka Xuutiyiinta Yaxye AL-Sariixi ayaa ku nuuxnuuxsaday in kooxdiisa ey sii wadi doonto beegsiga Maraakiibta Isra’iil ilaa Isra’iil ka joojinayso duulaanka ka dhanka ah Gaza. Wasaaradda Gaashaandhiga dlka Maraykanka ee Pentagon ayaa horay u sheegtay in Markab dagaal iyo Markab Ganacsi oo Maraykan leeyahay lagu weeraray Axadii Badda cas. Pentagon ayaa intaas ku daray “Waan ka warqabnaa warbixinada la xiriiro weerarada lagu qaaday burburiyaha Maraykanka ee USS Carney iyo Maraakiib Ganacsi oo ku sugnaay Badda Cas waxaane bixin doonaa macluumaadka dhacdadan marka la helo”.
ISHA/ARAB.