LIBIYA DOORASHO MAKA DHECEYSAA?
(SAWIRKA )-GEN.XAFTAR.
(TRIPOLI)-Dalka Libiya waxa uu ka mid yahay dalalka Carbeed uu saameeyey kacdoonkii ka dhacay wadamadda Carabta qaarkood sannadkii 2011-kii,waxaane xukunka looga tuuray Col.Qadaafi oo dalka Libiya in mudda ah soo maamulaayey. Liibiya ayaa gashay fawdo aan la garan karin dhmmaadkeeda halka uu yahay waxaane ka sameysmay ururo iska soo wada horjeedo iskuna haysta talada dalka Libiya,hadaba nink aadka u xooga badan ee saldhiga ka dhigtay bariga dalka Libiya ee Gen.Khalifa Xaftar ayaa ku baaqay in la sameeyo maamulka dawladda si loo nidaamiyo doorashooyinka dalka uu baabi’iyey dagaalka. Qoraal ka soo baxay Gen.Xaftar oo hogaamiyo Ciidamadda Qaranka Libiya(LNA) ayaa lagu sheegay in dib loogu laabto gudiga(6+6) kaaso soo bandhigay waxyaabo doorashooyinka la xiriir.
ISHA WARKA AA.