TAHRIIBAYAAL LAGU LA’AYAHAY XEEBAHA GIRIIGA.
(SAWIRKA)-QAXOOTIGII LA SOO BADBAADIYEY.
(ATHENS)-War ka soo baxay hayada Qaramada Midoobe u qaabilsan Qaxootiga(UNHCR) ayaa lagu sheegay in loo baahan yahay in la qaado talaabo deg deg ah oo lagu baadi goobo dad fara badan oo lagu la’ayahay biyaha caalamiga ah ee dhaw xeebaha dalka Giriiga,dadkaan la la’ayahay ayaa ahaay tahriibayaal rabay ineey gaaraan dalka Giriiga balse waxaa dhex kula qalibantay doontii ey saarnaayeen waxaane la soo badbaadiyey qaar iyaga ka mida welina waxaa la la’ayahay in kale. Xukuumadda Giriiga ayaa xabsiga u taxaabtay afartan qofood oo u dhashay dalka Masar kuwaaso da’adooda ey u dhexeeyso 20 ilaa 40-jir, ragaan ayaa ku eedeysan ineey yihiin kuwa soo tahriibiya dadka.
ISHA WARKA ARABIC.