277-XAAJI OO KA DUULAY GAROONKA SANCA.

(SAWIRKA)-XUJAAYDA REER YEMAN.

(SANA’A)-Maxakamadda Sare ee dalka Boqortooyada Sacuudiga ayaa sheegtay in malinta beri ah oo Isniin ah tahay maalinta kowaad ee bisha Dul-Xaja-1444-ka,maalinta Carafa ayaa ku beegan Talaado 27/6/23-ka, maalinta kowaad ee Ciida ayaa noqon doonto Arbaca 28/6/23-ka. Waxaa bilawday safarka dadka soo xajinaayo sannadkan 1444/2023-ka waxaane habeenimadii shalay oo Sabti ahayd kuna beegneed 17/6/23-ka markii ugu horeysay ka duulay garoonka dayuuradaha caalamiga ah ee Sanca dufcadii ugu horeysay ee reer Yeman una socota iney soo xajiyaan,dufcadaan ayaa ka koobneed 277-Xaaji waxaane maalmaha soo socdo safari doono laba dufco oo isku xigi doonto. Garoonka diyaaradaha Sanca ayaa xirmay ka dib markii ey kooxda Xuutiyiinta qabsadeen caasimadda Sanca sannadkii 2016-kii oo hadda laga joogo 7-sano,dalka Yeman ayaa waxa dagaal uu ka scday muddo dhan sagaal sano balse hadda ayaa waxaa laga dareemayaa deganaansho aan caga badneyn ka dib markii ey heshiiyeen labadii dal ee isku haayey arrimaha yeman kalana ah Sacuudiga iyo Iraan.

ISHA WARKA ARABIC.

HALKAAN KA SII AKHRISO.

Previous
Previous

DAGAAL KA SOCDO JINIIN FALASTIIN.

Next
Next

LIBIYA DOORASHO MAKA DHECEYSAA?