ISRA’IIL OO QAADACDAY SHIRKII QAHIRA EE MAANTA
(SAWIRKA)-BURBURKA SOO GAARAY DHISMAYAASHA GAZA.
(QAHIRA)-Wararka laga helaayo caasimadda dalka Masar ee Qaahira ayaa sheegaayo in Isra’iil ey qaadacday ka qeybgalka wada hadaladda Xabad joojinta ee Marinka Gaza ee lagu weday inuu maanta oo Axad ah ka dhaco Caasimadda Masar ee Qaahira ka dib markii kooxda Xamaas ey diiday dalabkeeda ah in la magacaabo liis dhammaystiran ee la haystayaasha Isra’iil kuwooda weli nool,sida uu sheegay wargays laga leeyahay dalka Isra’iil. Wafdi ka socdo Xamaas ayaa Qaahiro u yimid wada hadaladda,kuwaaso lagu oogay caqabadda ugu dambaysay ee suurtagalka ah ka hor inta aan la gaarin heshiis lagu joojinaayo dagaalka socday muddo lix bilood ah. “Ma jiro wafdi Isra’iil ah oo joogo Qaahira”Ynet oo ah nuuca Online-ka ah ee Wargayska Isra’iil Yedioth Ahronoth,isaga oo soo xiganaayey saraakiil reer Isra’iil ah oo aan la aqoonsan, “Xamaas waaa diiday iney bixiso jawaabo cad,sidaas darteed ma jirto sabab loo diro wafdi ka socdo Isra’iil”. Dawladda Maraykanka waxa ey ku adkaysanaysaa in heshiiska xabad joojinta uu ku xiran yahay waqtiga la joojin lahaay dagaalka Marinka Gaza bilawga bisha Ramadaan oo todobaad inaga xigo. Dhinacyada dagaalamay ayaa meel fagaara ah ey kaga laabteen dalabyadii hore.
ISHA/ARAB NEWS.