DOORASHADA IRAAN OO EY KA QEYBGALEEN 41%.
(SAWIRKA)-WASIIRKA ARRIMAHA GUDAHA IRAAN AXMED VAHIDI.
(TEHRAN-IRAN)-Muxaafidiinta dalka Iraan ayaa ku gacan sareeyey doorashooyinka adkaa ee ka dhacay dalka Iraan,Muxaafidka ayaa xaaqiiqsaday aqlabiyadda doorashada Baarlamaanka dalka Iraan,sida ey saraakiishu sheegeen maanta oo Isniin ah. Codbixinta dalka Iraan ayaa waxaa ka qeybgalay dad lagu qiyaasay 41% waane codbixintii ugu hooseysay ee ka dhacda dalka Iraan tan iyo markii uu dalkaasi ka curtay Kacaanka Islaamiga ah sannadkii 1979-kii. “Qiyaastii 25-Milyan oo qof ayaa ka qeybqaadatay kuwaaso ah boqolkiiba afartan(41%) ah”doorashadii dhacday maalintii Jimcaha ee ina soo dhaaftay,sidaas waxa shir jara’id ku sheegay Wasiirka Arrimaha Gudaha dalka Iraan Axmed Vahidi. Musharixiinta ayaa waxaa loo kala saaray Muxaafid iyo Ultra-Muxaafid oo ku jira liiska doorashada ka hor ayaa ku guulaystay in ka badan seddex meelood laba meel kuraastii baarlamaanka iyadoo ku dhawaad 15% tartamada ey socdeen ilaa wareega labaad, Codbixinta ayaa sidoo kale waxaa lagu doortay Xubnaha Golaha Muhiimka ah ee Khubarada ayaa ah midii ugu horeysay tan iyo markii ey dalka Iraan ey ka dheceen Mudaarharaadyo ka dib Sebtembar-2022-kii oo Xabsiga lagu dilay Mahsa Amiini oo 22-jir ahayd,Amiini ayaa ah geber Kurdi Iraan ah ayaa la xiray ka dib markii lagu Eedeeyey iney jebisay nidaamka adag ee Jamhuuriyadda Islaamiga ee u degsan dhar ey xirtaan Dumarka.
ISHA/FRANCE-24.