CIIDAMADDA BADDA EE TALYAANIGA OO SOO RIDAY…
(SAWIRKA)DIYAARADAHA AAN DUULIYAHA WEDIN EE DRONES-KA.
(ROME-ITALY)-Ciidamadda Badda ee dalka Talyaaniga ee qeybta ka ah hawlgalka ciidamadda Midawg Yurub kuna sugan biyaha Badda Cas ayaa soo riday diyaarad ah nuuca aan duuliyaha wedin Drones-ka taaso ey soo tuureen kooxda Xuutiyiinta dalka Yeman,sidaas waxaa sheegtay Wasaaradda Gaashaandhiga dalka Talyaaniga. Markabka dagaalka ey leeyihiin ciidamadda badda ee dalka Talyaaniga lana yiraahdo CAIO DUILIO ayaa toogtay diyaaradda aan duuliyaha lahayn ey soo tuureen Xuutiyiinta Yeman xilli ey marayeen biyaha Badda Cas.sidaas waxaa lagu sheegay bayaan ey soo saartay Wasaaradda G/dhiga Talyaanig shalay oo Sabti ahayd gelinkeedii dambe,diyaaradaan la soo riday ayaa markabka Talyaaniga waxa ey u soo jirsatay masaafo dhan ilaa lix kiilomitir,mana jiro wax hadal oo ka soo baxay dhinaca kooxda Xuutiyiinra Yeman. Horaantii todobaadkan dalka Jarmalka waxa uu sidoo kale Badda Cas ku soo riday laba diyaaradood oo kuwa aan duuliyaha lahayn ah ee Xuutiyiinta lagana soo riday mid ka mid ah Maraakiibtooda badda ee Hessen oo la geeyey aagaas si uu qeyb uga noqdo hawlgalka ciidmadda Badda ee Midawga Yuub ee ASPIDES si ey u ilaaliyaan Maraakiibta. Kooxda Xuutiyiinta dalka Yeman ayaa bartilmaameed ka dhigatay Maraakiibta Xamuulka qaada ee maraysa Badda Cas oo ey leeyihiin ama ey maamulaan shirkado Isra’iil ah amaba u daabulaayo kana soo qaadayo Isra’iil iyagoo garabsanaayo Marinka Gaza,kaaso Isar’iil ey duqeyn ku hayso tan iyo 7/10/23-ka,Badda Cas waa mid ka mid ah marinadda badda ee inta badan loo isticmaalo shiixnadaha shidaalka iyo Gaaska ee caalamka.
ISHA/AA.