ISRA’IIL OO KU RIIQATAY DAGAALKA GAZA.
(SAWIRKA)-GURYIHII KU BURBURAY DAGAALKA MARINKA GAZA.
(QUDUS)-Wararka ka imaanyo Diiral Balax ee Marinak Gaza ayaa sheegaayo in Xarakada Xamaas ee reer Falastiin ey qaaday mid ka mida weeraradii ugu dhimashada badnaa ee lagu qaado askarta Isra’iil tan iyo markii uu bilawday duulaanka Gaza,isagoo ugu yaraan sagaal lagu dilay weerar gaadmo ah oo ka dhacay magaaladda,mileteriga ayaa sheegay Arbacada maanta ah,weerarkaan ayaa calaamad u ah iney jirto iska caabin adag oo ciidamadda Isra’iil kaga imaanayso Xarkada Xamaas taaso weli taagan lana loodin kara la’ayahay in kastoo in ka badan laba bilood ey ku socotay duqeyn ba’an oo dhinaca cirka ah. Weerarkaan gaadmada ah ayaa ka dhacay xaafado ciriiri ah waxa uuna yimid ka dib markii ey soo noqnoqotay sheegashada ciidamadda Isra’iil ee ah iney jebiyeen dhismaha taliska Xarakada Xamaas ee waqooyiga Marinka Gaza ey ku hareereeyeen qeybo ka haray dagaalyahanada Xarakada Xamaas,waxeyna sheegteen iney dileen kumanaan dagaalyahano ah boqolaal kalane ey soo xirxireen. Dagaalkan adag ayaa hoosta ka hariiqayo sida ey Isra’iil ugu muuqato iney ka fog tahay hadafkeeda ah iney burburiso Xarakada Xamaas xataa ka dib markii militeriga uu sii daayey mid ka mida weeradii ugu khasaaraha badnaay ee qarniga 21-aad. Weerarada cirka iyo dhulka ee Isra’iil ayaa lagu dilay 18,600-qofood oo reer Falastiin ah,sida ey sheegeen saraakiisha caafimaadka ee Gaza. Mgaaladda Gaza iyo magaalooyinka ku xeeran ayaa lagu burburiyey weerarada cirka aan kala go’a lahayn waxaane ku barakacay dad dhan 1.9-milyan oo qofood.
ISHA/AP.