MARAYKANKA OO JOOJIYEY INUU ISRAEL KA IIBIYO…
(SAWIRKA)-YAHUUDA XAGJIRKA AH EE LA SOO DEJIYEY DHULKA FALASTIIN.
(WASHINGTON)-Wararka ka imaanayo caasimadda dalka Maraykanka ee Washington ayaa sheegaayo in maamulka Biden ayaa mar kale xayiraad saarayo shatiga iibinta in ka badan 20-kun oo qori oo Maraykanka lagu sameeyo loona diyaariyey in loo qaado Isra’iil sababo la xiriiro walaaca ku saasban weerarada ey gaystaan Xagjirada Isra’iil ee la soo dejiyey dhulka la haysto ee Daanta Galbeed,sidaas waxaa AXIOS u sheegay laba sarkaal oo sare oo Maraykan ah. Go’aanka ah in loo diro heshiiska qoryaha looga iibinaayo Israiil dib u eegis kale oo ey sameysay Waaxda Arrimaha dibadda ayaa muujinayso in maamulka Biden uu weli ka walaacsan yahay in dawladda Isra’iil aysan samaynin wax ku filan oo lagu xakamaynaayo rabshadaha ey gaystaan Xagjirada la soo dejiyey dhulka reer Falastiin. Isra’iil todobaadkii ugu horeeyey ee dagaalka waxay codsatay in la siiyo qoryaha lagu dhibaateeyo dadka rayidka ah ee reer Falastiin ee u dhaw xuduudyada Gaza,Libnaan iyo suuriya. Kooxahaasi oo ah kuwa ah dadka degaanka oo helay hub iyo tababar ey siiyeen ciidamadda booliska Isra’iil si ey noqdaan kuwa ugu horeeyo ee ka jawaaba weerarka argagixisad. Tirada hubka ee laga joojiyey in laga iibiyo Isra’iil ayaa lagu sheegay inuu dhan ilaa 16-milyan qoray ooloo gacan gelinaayo Xagjirada la soo dejiyey dhulka xooga lagu haysto ee reer Falstiin.
ISHA/AXIOS.