MARKABKA GALAXY LEADER OO LOO DALXIIS TAGO.

(SAWIRKA)CAYAARTA BARCADA EE DALKA YEMAN.

(YEMAN)-Marka laga hadlaayo dalka Yeman waxaa mudan in la is xusuusiyo dhawr arrimood oo muhiim u ah inaad wax ka ogaatid dalka Yeman,maanta aan joogo dalka Yeman waxaa loogu yaqaanaa Jamhuuriyadda Yeman waxa eyna ka kooban tahay laba qeybood oo waa weyn oo wada midoobay 22/5/1990-ki,labada qeybood ee wada midoobay ayaa loogu kala yeeri jira Jamhuuriyah Carabiyah Yemaniyah waxaane caasimad u ahayd magaaladda Sanca waane Waqooyiga dalka Yeman halka Koonfurta Yeman loo yaqiinay Jamhuuriyah Alshacbiyah Al-dimuqaraadiyah Yemaniyah caasimadeeduna waxa ey ahayd magaakadda Cadan,ka dib markii ey labada Yeman israaceen waxaa caasimadda laga dhigay magaaladda aadka u qabaw ee Sanca kuna taalo Waqooyiga dalka Yeman. Xuutiyiinta hadda la wareegay talada caasimadda Sanca ayaa ka soo jeedo Gobolka Sacda ee xuduuda la leh dalka Sacuudiga waane halka ey degan yihiin asalka Xuutiyiinta dalka Yeman. Hadaba Maalmahaan waxaa dhibaato ka taagan tahay Marinka Baab El-mandeb ey maamulaan kooxda Xuutiyiinta waxa eyna bil ka hor afduubteen Markab ey iska leedahay Isra’iil lana yiraahdo Galaxy Leader waxa uuna hadda ku xiran yahay dekadda Xudeyda ee dhacda Galbeedka dalka Yeman,waxa la yaabka leh ayaa ah in hadda dad reer Yeman ah iney u dalxiis tagaan Markabka Dushiisa kuna cayaaraan cayaar dhaqameedka loo yaqaano BARACDDA taaso laga ciyaaro Goboladda Waqooyi ee dalka Yeman.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

BOOLISKA BERLIN OO SOO FARAGELIYEY MUDAAHARAAD…

Next
Next

ISRA’IIL OO KU RIIQATAY DAGAALKA GAZA.