ISRA’IIL OO ISU DHIIBI RABTA XARAKADA XAMAAS.

(SAWIRKA)-DADKA EY XARAKADA XAMAAS HAYSATO DADKOODA.

(USA)-Barta uu Internet-ka ku leeyahay Warsidaha “POLITICO”ee laga leeyahay dalka Maraykanka ayaa sheeegay in Hogaamiyeyaasha Isra’iil ey bilaabeen iney dhinaca wanaagsan ka fiiriyaan arrinta sii kordheyso ee ku saabsan suuragalnimada in la gaaro afgarad lala yeesho Xarakada Xamaas gaar ahaan la haystayaasha iyo Maxaabiista,afgaradka Xarakada Xamaas ayaa noqon doono mid uu xadidan yahay waqtigiisa iyo tirada dadka la sii deynaayo. Warsidaha POLITICO ayaa masuuliyiin reer Isra’iil ah ka soo xigtay ayagoo dhahaayo”Heshiiska waxaa waaye oo kaliyah mid khuseeyo tobaneeyo reer Isra’iil ah waxa eyna noqon doonaan Caruur,dad da’a ah iyo dadka wata labada Jinsiyadood eyna ka mid yihiin kuwa wata Jinsiyadda dalka Maraykanka,dhinaca kale,Xarakada Xamaas ayaa la sheegayaa iney qabaan fikirka ah in marka hore la joojiyo dagaalka Marinka Gaza ama la qaboojiyo muddo dhan hal todobaad,laakinse RW-Netenyahu ayaa ka horyimid markii Aqalka Cad ee Maraykanka uu ku baaqay xabad joojin muddo kooban ah.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

TAKHTAR KA WARBIXIYEY WEERARADA ISBITAALADA GAZA.

Next
Next

KOONFUR AFRIKA OO KU DHEGAN ISRA’IIL.