KOONFUR AFRIKA OO KU DHEGAN ISRA’IIL.

(SAWIRA)-SHACABKA REER GAZA.

(JOHANNESBURG)-Wararka laga helaayo dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaayo in Xukuumadda Koonfur Afrika ey u yeertay Safiirka Isra’iil u fadhiya dalka Koonfur Afrika Eliav Belosercovsky sababo la xiriiro weerarada ey ciidamadda difaac Isra’iil ku hayaan Marinka Gaza. Safiir Eliav ayaa lagu eedeeyey Yasi/Xaqiraad uu ku sameeyey dad ka banaanbaxaayey lidna ku ah weerarada Isra’iil ee Marinka Gaza ee dhulka reer Falastiin. Safiir Eliav ayaa la kulmay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Koonfur Afrika Zane Dangor kaaso Safiirka Isra’iil u cadeeyey mawqifka dawladda Koonfur Afrika ee ah in dalka Koonfur Afrika tabasho ka qabo weerarada Cirka iyo Dhulka ah ey Isra’iil ku qaadeyso si joogta ah Marinka Gaza,weeradaas ayaa waxaa ku geeriyooday dad shacab ah oo gaaraayo ilaa 10-ku qofood eyna ka mid yihiin 4,300-Caruur ah. Agaasime Dangor ayaa Safiirka Isra’iil u sheegay in dalka Koonfur Afrika uu doonaayo in Maxkamadda Caalamiga ah ee Dembiyadda(ICC) ey baaris ku sameyso hogaamiyeyaasha Isra’iil si ey ugu soo oogto dacwadaha kala ah”Dembiyo Dagaal,Dembiyo ka soo Horjeedo Bani’adanimada iyo Xasuuq”.

ISHA/AA.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

ISRA’IIL OO ISU DHIIBI RABTA XARAKADA XAMAAS.

Next
Next

ISRA’IIL OO DUQEYSAY ISBITAALKA AL-SHIFA’A EE GAZA.