TAKHTAR KA WARBIXIYEY WEERARADA ISBITAALADA GAZA.

(SAWIRKA)_MEYDADKA MARINKA GAZA.

(GAZA)-”Ciidamadda Difaaca Isra’iil(IDF) weerarada cirka iyo dhulka ah ey ku qaadayaan Marinka Gaza ayaa ah kuwa laga Argagaxo”sidaas waxaa sheegay Takhtar u dhashay Falastiin balse haysta dhalashada dalka Ingiriiska lana yiraahdo Gasaan Abu-Sitah mar uu waraysi siinaayeey Wargayska AL-arab AL-Jadeed,waxa uuna Dr.Abu-sitah ka hawlgelaayey goob caafimaad oo ku taalo dhulka reer Falastiin. Dr.Abu-Sitah waxa uu ka warbixiyey weerarada ey diyaaradaha dagaalka Isra’iil ey ku qaadeen Isbitaalka AL-ahli loona yaqaano “Baptist Hostpital”kuna yaalo Marinka Gaza taariikhdu markeey ahayd 17/10/23-ka waxaane weerarkaasi ku geeriyooday dad gaaraayo ilaa iyo shan boqol oo qofood. Tan iyo markii ey Isra’iil bilawday iney weerarto Isbitaalada uuna ka mid yahay Isbitaalka AL-Mahdi ee loogu talagalay in wax loogu qabto Haweenka Uurka leh lana weeraray habeenkii Sabtida(11/11/23)-ka ayaa waxaa ku dhintay laba Takhtar waxaane ku dhaawacmay tiro kale oo dad ah.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

TIRA KOOB LAGA SOO SAARAY DHIBKA GAARAY MARINKA GAZA.

Next
Next

ISRA’IIL OO ISU DHIIBI RABTA XARAKADA XAMAAS.