IRAAN MA TAHAY FURAHA NABADA BARIGA DHEXEX?
(SAWIRKA)-AGAASIMAHA HAYADDA SIRDOONKA MARAYKANKA.
(WASHINGTON)-Agaasimaha Hayada Sirdoonka dalka Maraykanka(CIA) William Burns ayaa sheegay in furaha Amaanka dalka Isra’iil iyo guud ahaan Gobolka Bariga dhexe uu yahay la macaamilka dalka Iraan. “Furaha Isra’iil iyo Gobolka Bariga dhexe amaankooda waa la macaamilka dalka Iraan. Maamulka Iraan waxa uu ku dhiiraday qalalaasaha oo u muuqdo inuu diyaar u yahay inuu la dagaalmo wakiilkiisa ugu dambeyey ee gobolka,dhammaan ayadoo la balaarinaayo barnaamijkeeda Nukliyeerka oo awood u siinaayo gardarada Ruushka”,sidaas waxa uu Burns uu ku qoray maqaal lagu daabacay Majalada Arrimaha Dibadda. William Burns ayaa yiri” Bilihii ka dambeeyey Oktoobar todobadeedii-2023-kii Xuutiyiintu dalka Yeman ee xulafada la ah Iraan waxa ey bilaabeen iney weeraraan Maraakiibta Gaacsiga ee ku sugan Badda Cas,khataraha ka imaan kara ee sii kordhaya ee dhainyada kale ayaa jira”. Waxa uu sheegay in mid kasta oo ka mid ah “dhibaabtooyinka foosha xun” ee bariga dhexe la xallin karo iyada oo aan la helin hogaan firfircoon oo Maraykan ah. William Burns ayaa xusay inuu ku qaatay in ka badan afartan sano ee la soo dhaafay ka shaqeynta bariga dhexe,wuxuu qoray”Mar dhif ah ma arkin iney ka sii wareersan tahay ama ka qarax badan tahay”.
ISHA/SB-MEDIA.