MARAYKANKA OO AQOONSI RADINAYO FALASTIIN.

(SAWIRKA)-WASIIRKA ARRIMAHA DIBADDA MARAYKANKA ANTHONY BLINKEN.

(WASHINGTON)-Wararka laga helaayo dalka Maraykanka ayaa sheegaayo in Xoghayaha Arrimaha dibadda dalka Maraykanka Anthony Blinken uu weydiistay Waaxda Arrimaha Dibadda iney dib u eegis ku sameyso oo ey soo bandhigto fursadaha siyaasadeed ee suurtagalka ah in Maraykanka iyo aqoonsiga Caalamiga ah ee Dawlad Falastiin yeealato ka dib dagaalka Marinka Gaza,sidaas waxaa Wargayska AXIOS ee dalka Maraykanka u sheegay laba sarkaal oo Maraykan ah. Inkastoo saraakiisha Maraykanka ey sheegeen in aaney jirin wax isbedel siyaasadeed ah hadane xaqiiqada ayaa ah in Wasaaradda Arrimaha Dibadda ey tixgelinayso fursadahan oo kale waxa eyna calaamad u tahay isbedelka fikirka gudaha maamulka MW-Biden ee aqoonsiga dawladnimada Falastiin ee hadda suurtgalka ah,arrintaan ayaa ah mid xasaasi ah gudaha Maraykanka iyo dibadiisaba.

ISHA/AXIOS.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

CABSI LA SOO DERISTAY SAFAARADDA ISRA’IIL EE SWEDEN.

Next
Next

IRAAN MA TAHAY FURAHA NABADA BARIGA DHEXEX?