MARAYKANKA OO U HANJABAY XUUTIYIINTA YEMAN.

(SAWIRKA)-XUUTIYIINTA DALKA YEMAN.

(SANA’A-YEMAN)-Wararka laga helaayo dalka Yeman ayaa sheegaayo in kooxda Xuutiyiinta ey sheegeen iney heleen fariin kaga timid dalka Maraykanka taaso loo soo marsiyey dalka Urdun fariintaaso ku hanjabaysa in lagu furi doono dagaal iyaga ka dhan ah kaaso jawaab u ah falalka ey sameynayaan Xuutiyiinta ee lidka ku ah Isra’iil. Maxamed AL-Xuuti oo xubin ka ah Golaha sare ee Siyaasadda Xuutiyiinta Yeman ayaa bartiisa Twiiter-ka(X) soo dhigay hadla sidaan u qornaay”Fariinta Hanjabaad Maraykanka waxa ey jawaab u tahay diidmada dadka Yeman ey diidan yihiin dilalka lagu haayo shacabka Marinka Gaza”,waxa uu hadalkiisa sii raaciyey Maxamed AL-Xuuti”Waxaan u sheegaynaa Maraykanka in nacasnimo kasta oo lagu fuliyo hanjabaad Maraykanka iney fashilmi doonto,mana joojin doonaan dadka reer Yeman iney ka baxaan hadafkooda ah iney taageeraan shacabka reer Gaza”,mana jiro wax hadal ah oo ilaa hadda ka soo baxay dawladda Maraykanka oo ku aadan hadalka Xuutiyiinta Yeman. Xuutiyiinta ayaa sheegay in weeraradooda uga gol leeyihiin iney cadaadis ku saaraan Isra’iil si ey u joojiso duqeymaha ba’an ey ku hayso Marinka Gaza taaso keentay in dalalka Maraykanka iyo Ingiriiska ey qaadaan duqeymo aargoosi ah kana dhan ah bartilmaameedyada Xuutiyiinta Yeman. Xuutiyiinta Yeman ayaa bartilmaameedsada Maraakiibta Ganacsiga ee marta Badda Cas gaar kuwooda u socda dalka Irsa’iil tan iyo Bishii Nofembar-2023-kii.

ISHA/SB-MEDIA.

Previous
Previous

IRAAN MA TAHAY FURAHA NABADA BARIGA DHEXEX?

Next
Next

QODOBO KA SOO BAXAY SHIRKII BAARIIS.