IMAARAATKA OO LA SHEEGAY INEY TAAGEERTO…
(SAWIRKA)-XUMEYDETI IYO MBZ.
(SUDAN)-Duhurnimadii 6/8/2023-kii diyaarad siday shixnad aan la garanayn axa ey tahay ayaa lagu arkay dhabaha diyaaradaha ku ordaan ee Garoonka Xamrat AL-Sheekh oo ah garoon diyaaradeed oo ku yaalo Gobolka Waqooyiga Kordufan ee dalka Sudan,dad yar oo degaanka ah ayaa ku soo ururay mid ka mida ahne waxa ka duubay muuqaal. Xamrat AL-sheekh waa goob fog balse ah goob muhiim ah,waxa ey 250-KM u jirtaa magaaladda EL-Ubeyd oo ah caasimadda Waqooyiga Kordufan taaso ey dhawr bilood ey go’odoomiyeen ciidamadda Gargaarka deg dega ah(RSF) ee dagaalka sagaalka bilood ah kula jira ciidamadda dawladda Sudan.Magaaladda EL-Ubeyd oo waqtigaan nabad ah eyna ku nool yihiin in ka badan afar boqol oo kun oo qofood ayaa sidoo kale ku taalo isgoys muhiim ah oo dhawr wada ah isku xiro, waxa uuna isgoyskaan isku xiraa saldhiga awooda RSF-ta ee Galbeedka dalka Sudan ee Daarfuur iyo caasimadda Khartuum. Faahfaahinta laga soo qaaday muuqaalka garoonkaas oo ey xaqiijisay Middle East Eye iyo sidoo kale xogta laga helay raad raacayaasha duulimaadyada ee Flightradar24 iyo Jetphotos ayaa tilmaamaya in diyaaradda Xamrat AL-sheekh ey u ekeed mid caadi ah waxa eyna ahayd Beechcraft1900D oo cad oo daba buluug ka ah isla markaasne ey lahayd shirkada Bar Aviation oo fadhigeedu yahay dalka Ugandha. Shirkadu kama eysan jawaabin su’aalaha MEE waqtiga la daanacaayey warka iyada khuseeyo.
ISHA/MEE.