MARAYKANKA IYO INGIRIISKA OO CUNAQABATEYN SAARAY…
(SAWIRKA)-MALEESHIYAADKA XUUTIYIINTA DALKA YEMAN.
(WASHINGTON-LONDON)-Dalalka Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa si wadajir ah waxa ey cunaqabateyn ugu soo rogeen maanta oo Khamiis ah afar sarkaal oo ka tirsan kooxda Xuutiyiinta dalka Yeman kuwaaso weeraro ka gaystay Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas. Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda daka Maraykanka Mathew Miller ayaa yiri”Weerarada Argagixisada ee xuutiyiinta ee Maraakiibta Ganacsiga iyo shaqaalahooda rayidka ah ee ku sugan Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed waxay carqaladeeyeen silsiladaha sahayda caalamiga ah waxayna ku xadgudbeen xuquuqaha iyo xuriyadda Marinka”. Mathew Miller oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri”Maraykanka waxaa ka go’an inuu ilaaliyo Ganacsiga caalamiga ah iyo inaan talaabo ka qaadno inagoo ey ina garab taagan yihiin xulafadeyna iyo kuwa inagla hawlgala ilaalinta iyo badbaadinta marin biyoodyada muhiimka ah”. Masuuliyiinta ka tirsan Xuutiyiinta dalka Yeman ey saameyneyso Cunaqabateynta Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa waxaa ka mid ah Maxamed AL-Caatifi,Wasiirka Gaashaandhiga Xuutiyiinta,Muxamed Fadli Cabadul-Nebi,taliyaha ciidamadda Badda Xuutiyiinta,Muxamed Cali AL-Qaadiri,taliyaha ciidamadda Xeebaha ee Xuutiyiinta iyo Maxamed Axmed AL-dhalibi,Agaasimaha soo iibinta Hubka ee Xuurtiyiinta. Dhammaan ragaan ayaa lagu eedeeyey iney taageereen weeraradii ugu dambeeyey ey Xuutiyiintu ku qaadeen Maraakiibta Ganacsiga ee ku sugan badda cad iyo Gacanka Cadmeed oo ey ku jiraan shaqaalaha rayidka ah ee hadda u afduuban kooxda Xuutiyiinta Yeman.
ISHA/AA.