DALKA KUWEYT OO FASHILIYEY WEERAR ARAGAGIXISO.

(SAWIRKA)-HAYADAHA AMNIGA DALKA KUWEYT.

(KUWEIT)-Wakaaladda Wararka u faafiso dalka Kuweyt ee KUNA ayaa sheegtay in Wasaaradda Arrimha Gudaha dalka Kuweyt ey fashilisay maanta oo Khamiis ah(25/1/24)-ka qorshe ey wadatay koox Argagixisa ah oo lagu bartilmameedsanayey Goobo ey ku cibaadeystaan dadka Shiicada ah ee dalka Kuweyt,waxaane dadkii arrintaan ku eedeysnaay loo wada gudbiyey Xeer ilaalinta Guud ee dalka Kuweyt si ey talaabo sharci ah uga qaado. Wakaaladda KUNA ayaa tiri” Saraakiisha nabad Sugidda waxaa u suuragashay iney dabagal ku sameeyaan kooxdaan isla markaasne la socdaan dhaqdhaqaaqooda,waxayna sirdoonku soo xireen seddex xubnood oo dhalasho ahaan ka soo jeedo wadamo Carbeed kana tirsan Urur Argagixisa ah,dhammaan eedeysanayaasha waxaa loo gudbiyey Xeer ilaalinta si ey talaabo sharciga waafaqsan uga qaado. War qoraal ah ey soo saartay Wasaaradda Arrimaha Gudaha dalka Kuweyt ayaa lagu faahfaahiyey in “ Ciidamadda Amniga Qaranka ey awood u yeesheen iney fashiliyaan qorshaha kooxda Argagixisada ee dooneysay iney ku beegsadaan Goobaha cibaadada ey leeyihiin Shiicadda dalka Kuweyt si loo laayo dad aan waxba galabsan”.

ISHA/ARAB.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

IMAARAATKA OO LA SHEEGAY INEY TAAGEERTO…

Next
Next

DALKA IMAARAATKA OO LA OGAADAY INUU KA DAMBEYO..