DALKA IMAARAATKA OO LA OGAADAY INUU KA DAMBEYO..
(SAWIRA)-CIIDAMADDA YEMAN EE UU TABABARAY IMAAARAATKA CARABTA.
(YEMAN)-Marka laga hadlaayo doorka uu dalka Imaaraatka Carabta ku leeyahay faragelinta dawladaha Carbeed ee uu ka jiro dagaal u dhexeeyo hogaamiyeyaasha siyaasadda,Imaaraatku lama gambado danihiisa oo waa uu cadeystaa waxaane midaas cadeyn u ah fargelinta uu Imaaraatku ku haayo siyaasadda iyo Amniga wadamadda kala ah Yeman,Soomaaliya,Libiya iyo Suudaan. Hadaba Telefishanka Idaacadda BBC-da ayaa maanta oo Talaada ah kuna beegan 23/1/24-ka sheegay in baaritaan ey sameysay BBC-da lagu ogaaday in dalka Imaaraatka Carabta uu si toos ah u maalgeliyo dilalka Qorsheysan misane siyaasadeysan oo ka dhaca gudaha dalka Yeman taaso sababtay iney sii xumaato colaadii horay uga dhexeysay Xukuumadda Yeman ee caalamku aqoonsan yahay iyo kooxaha Xuutiyiinta,AL-qaacida iyo Daacish,dalka Yeman ayaa dhawaan waxa uu ku soo laabtay indhaha caalamka ka dib markii kooxda Xuutiyiinta ey weeraro aan kala go’o lahayn ey ku qaadeen Maraakiibta marta Biyaha Badda Cas.
ISHA/ARAB.