GOLAHA SARE EE LIBIYA OO KA…
(SAWIRKA)BAARLAMAANKA DALKA LIBIYA.
(TRIPOLI)-Dalka Libiya oo ka mida wadamada uu saameyey kacdoonkii ka dhacay wadamadda Carabta sannadkii 2011-kii ayaa weli waxa uu la daalaa dheceyaa inuu yeesho dawlad hanata awood dalka oo idil,waxaane dalkaasi ka jiro laba kooxood oo aad u awood badan kala fadhiya caasimadda Tripoli iyo koox kale oo ayadana fadhida bariga dalka libiya. Sida ey iclaamiyeen tiro ka mida Golaha sare ee dalka Libiya waxa ey diideen wixii ka soo baxay gudiga(6+6) gudigaaso shaqadiisu tahay iney diyaariyaan xeerarka doorashooyinka dalka Libiya,waxaane marna aan sax ahayn ayey yiraahdeen isu imaatinka gudigaan dastuur ahaan,gudiga(6+6) ayaa waxaa hawshaas u xilsaaray baarlamaanka iyo gudiga sare ee dalka Libiya.
ISHA WARKA ARABIC.