11-MEYD OO LAGA HELAY BAQDAAD.
CIIDAMADDA AMNIGA BAQDAAD.
(BAQDAD)-Sida uu kashifay masuul ka tirsan hayadaha amniga ee caasimadda dalka Ciraaq ee Baqdaad maanta oo Axad ah(4/6/23),kororka tirada Meydadka aan la aqoon cida ey yihiin laguna arkay caasimadda Baqdaad tobankii maalmood ee la soo dhaafay ayaa gaaraayo ilaa iyo kow iyo toban Meyd, Meydadkaan ayaa lagu arkay goobo kala gedisan kuna yaalo qeybo ka mida caasimadda Baqdaad. Meydadka la soo helay ayaa loo qaaday goobaha lagu baaro Meydadka aan la garan cidda dishay iyo waxa ey u dhinteen waxa ey tahay,waane mid la hubo ayey yiraahdeen hayadaha amniga Baqdaad in dilalkaan dhacay ey yihiin kuwa xiriir la leh kooxaha burcada ah ee nidaamsan kana jira caasimadda Baqdaad.
ISHA WARKA ARABIC.