MW-AL-SISI OO SHEEGAY IN AAN LA TAABAN KARIN…

SAWIRKA MADAXWEYNEYAASH MASAR IYO MURITAANIYA.

(QAHIRA)-Weli waxaan xal kama dambays ah laga gaarin arrinta la xiriirto biya xireenka Itoobiya ey ka dhalinayso korontada,biya xireenkaan ayaa saameynayaa dalalka Masar iyo Sudaan,dalka Itoobiya ayaa ilaa hadda waxa uu wadaa inuu sii balaariyo biya xireenka,hadaba Madaxweynaha dalka Masar C/fataax Al-sisi ayaa xaqiijiyey waqti uu socday shir jaraa’id ey si wadajir ah u wada qabanayeen isaga iyo dhigiisa Muritaaniya Madaxweynaha Maxamed Walad AlGazlaani gudaha caasimadda Qaahira,MW-Algazlaani ayaa booqasho rasmi ah waxa uu ku joogaa dalka Masar booqashada MW-Algazlaani ayaa ah mid bilaabatay maanta oo Axad ah(4/6/23)-ka. Madaxweyne Al-sisi ayaa ka hadlay arrimo ku saabsan biya xireenka Itoobiya waxa uuna sheegay in biyaha dalka Masar yihiin biya carbeed cid taaban kartaana eysan jirin,mana la aqbalaayo ayuu yiri MW-Sisi in la qeybiyo biyaha carbeed,”Amaanka biyaha Masar waa kuwa aan la qeybin karin kana mida biyaha carbeed”.

ISHA WARKA ARABIC.

HALKAAN KA SII AKHRISO.

Previous
Previous

GOLAHA SARE EE LIBIYA OO KA…

Next
Next

LACAG LA XADAY DALKA CIRAAQ.