GAZA: CARUUR U GEERIYOOTAYA NAFAQO DARRI.

(SAWIRKA)-CARUURTA REER GAZA.

(GAZA)-Wararka laga helaayo Marinka Gaza ayaa sheegaayo in ugu yaraan 15-Caruur ah ey Fuuq-bax iyo Nafaqa darri ugu dhinteen Isbitaalka Kamaal Cadwaan ee Waqooyiga Marinka Gaza sida ey sheegtay Wasaaradda Caafimaadka ee Marika Gaza maanta oo Axad ah(3/3/24)-ka. “15-caruur ah ayaa ugu dhimatay Nafaqo darri iyo Fuuq-Bax Isbitaalka Kamaal Cadwaan”afhayeenka Wasaaradda Caafimaadka ee Marinka Gaza Asharaf AL-Qudra ayaa ku yiri hadal uu soo saaray. Asharaf AL-Qudra oo halakiisa sii wata ayaa yiri”Waxaan u baqaynaa nolosha lix caruur ah ey hayso Nafaqo darri iyo Fuuq-Bax kuwaaso ku jira qeybta daryeelka deg dega ah ee Isbitaalka Kamaal Cadwaan,arrintaan ayaa ka dhalatay joojinta koronto dhalliyaha iyo Mishinadda Oksijiinta”. Sagaal iyo tobankii bishii hore(19/2/24)-ka Sanduuqa Caruurta ee Qaramada Midoobe ee UNICEF ayaa ka digay kor u kaca Nafaqa darrida Caruurta,Haweenka Uurka leh iyo Hooyooyinka Nuujinaayo ee ku sugan Marinka Gaza iney khatar weyn ku tahay caafimaadkooda gaar ahaan marka loo eego weerarada ey ciidamadda Isra’iil ku qaadeen Isbitaalka iyo degaanka. Isra’iil ayaa 31-Isbitaal oo ku yaalo Marinka Gaza ka saartay adeegyadii ey u adeegsan jirtay duqeynta,burburka iyo ka hortaga sahayd caafimaadka iyo shidaalka waxayna qeyb ahaan batilmaameedsatay 152-xarumo caafimaad sida uu sheegay Xafiiska Warbaahinta ee dawladda Gaza. Isra’iil ayaa dagaal ba’an ku qaaday Marinka Gaza ka dib duulaankii xuduudaha ee kooxda Xamaas ee reer Falastiin 7/10/23-kii,duqeymaha xigay ee Isra’iil ayaa waxaa ku dhintay 30,410-qofood una badan Caruur ,Dumar iyo dad waayeelo ah,waxaane ku dhaawacmay 71,700-qofood,waxaane gabaabsi ah dhamman waxyaabihii dadka u baahnaay. Dagaalka Isra’iil ayaa 85% dadka reer Gaza ku riixay iney noqdaan Barakacayaal gudaha Marinka Gaza iyadoo ey jirto cunto yari ba’an,biyo nadiif ah iyo dawo,halka 60% kaabayaashii degaanka la dhaawacay ama la burburiyey sida ey sheegtay Qaramada Midoobe. Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda ayaa Isra’iil ku eedeysay Xasuuq. Go’aan ku meel gaar ah ey gaartay Maxkamadda bishii Janaayo ayaa Isra’iil lagu amray iney joojiso falalka Xasuuqa ah eyna qaado talaabooyin lagu damaanad aqaadaayo in gargaarka bani’adnimo ee la siiyo dadka rayidka ah ee Gaza.

ISHA/AA.

Previous
Previous

BANAANBAX XOOGAN OO HADDA KA SOCDO WASHINGTON.

Next
Next

MARKAB KU DEGAY XEEBAHA DALKA YEMAN.