MARKAB KU DEGAY XEEBAHA DALKA YEMAN.
(SAWIRKA)-MARKABKA RUBYMAR EE DEGAY.
(ADEN-YEMAN)-Wararka ka imanaayo magaaladda Cadan ee hadda saldhiga u ah Dawladda Caalamku Aqoonsan yahay ee dalka Yeman ayaa sheegaayo in Markabka Rubymar ee la weeraray bishii hore uu ku degay koonfurta Badda Cas,dawladda Yeman ee caalamku aqoonsan yahay ayaa war ey soo saartay maanta oo Sabti ah sidaas ku sheegtay. Warka ka soo baxay dawladda Yeman ayaa lagu sheegay in Markabka uu degay habeenimadii Jimcaha,waxa eyna dawaladda Yeman ka digtay Musiibo Degaan. Markabka ayaa siday in ka badan 41-ku tan oo ah Kiimikada bacriminta ah markii la weerarayey,sida ey horay u sheegeen Taliska dhexe ee ciidamadda dalka Maraykanka ee CENTCOM. Haddi la xaqiijiyo arrintaas waxa ey noqonaysaa in Rubymar uu noqdo Markabkii ugu horeeyey ee Lumay tan iyo markii ey kooxda Xuutiyiintu bilaabeen iney beegsadaan Maraakiinta ganacsiga bishii Nofembar-2023-kii,Xuutiyiinta ayaa u beegsanaayo Maraakiibta marayso Marinka Badda Cas sabab la xiriirta dagaalka ka socdo Marinka Gaza.
ISHA/ARAB.